Magaalada Gaalkacyo Ayaa Waxaa Ka Dhacay Qarax.

0
28

Qarax ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu xiray.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa waxaa gaarigiisa lagu xiray Mas’uul ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu magacaabo Cabdi Gube.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mas’uulka qaraxa lala eegtay uu dhaawac soo gaaray, waxaana dhaawiciisa la geeyay isbitaalka magaalada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Puntland ayaa la sheegay inay xireen goobta qaraxa uu ka dhacay, iyagoo ka baadigoobaya dadkii ka dambeeyay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegatay Kooxda Al-Shabaab.