Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka iyo Guddiga diyaarinta Xeerarka dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Ayaa Kulan Yeeshay.

0
35

Guddiga diyaarinta Xeerarka dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo maalmo kahor joojiyay shaqada ayaa kulan laqaatay Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Guddiga iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa wada hadlay howlaha shaqo ee Guddiga horyaalla iyo Arrimo kale oo ku aadan Doorashada.

Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay balan qaad u sameeyeen Guddiga diyaarinta Xeerarka dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxaana kulankii shalay uu ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Si kastaba Guddiga ayaa maalmo kahor shaaciyay inay shaqadii u hakiyeen sababo la xiriira cudurka halista ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal ku yaalla Caalamka, welina lama oga in Guddiga ay shaqadooda dib u bilaabeen.