Kiisaska CoronaVirus ee Somaliland oo Sii kordhaya.

0
57

wasaaradda caafimaadka iyo horumarinta Somaliland ayaa shaacisay in gudaha somaliland laga helay kiisas hor leh oo cudurka Corona Virus ah .

wasaaradda ayaa maanta oo axad ah sheegtay natiijada baarista bukaanada looga shakisana xanuunka Covid-19.

16-qof ayeey cadeysay wasaaradda in laga helay xanuunka covid-19 kadib baaritaankii ay mareen , iyadoo tirada cusub ee kiisaska xanuunka ee laga helay ay ka dhigeyso Tirada guud ee Somaliland xanuunka uu ku dhacay 103-qof .

sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in dadka laga helay maanta xanuunka 15-ka mid ah ay somalilander halka qofka kale ay sheegtay Wasaaraddu in uu u dhashay Dalka Itoobiya.