Axmed Madoobe Ayaa Ka Qaybgalay Shir Ay Soo Qaban Qaabiyeen Qaramada Midoobay

0
38

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan.

Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka Covid-19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar ka mid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda.