Diyaaradaha Aan Duliyaha laheen Ayaa Duqeymo Ka Geestay Gobalka Shabeelada Hoose.

0
52

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe duqeyn laga fuliyay, iyadoo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barow, waxaana lagu dilay labo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay Wakaalada wararka SONNA.

Sidoo kale wakaaladda ayaa qortay in howlgalkaas ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Duqeyntan ayaa ah tii u horeysay ee bishan Ramadan uu Mareykanka fuliyo, iyadoo bilihii la soo dhaafay uu duqeymo is-daba joog ah ka waday Soomaaliya.

Mareykanka ayaa horay duqeymo uga fuliyay Soomaaliya, waxaana dhowaan uu qirtay in qaar ka mid ah duqeymahaas dad rayid ah ku dhinteen.