Madaxweeyne Deni oo Sheegay In ay Qorsheynayaan Dagaal ka dhan ah Alshabab iyo Daacish.

0
73

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Ka Hadlay Dilalka Iyo Weerarada Qorsheysan Ee Mudooyinkii U Danbeeyay Ku Soo Badanayey Deganada Maamulka Puntland, Kuwas Oo Qaarkood Lagu Dilay Mas’uuliyiin Sar Sare.

 

Madaxweeyne Deni Ayaa Waxa Uu Carabka Ku Dhuftay In Xukuumadda Puntland Aysan Niyad Jebin Doonin Howlaha Ay Bulshada U Hayaan,Isla Markaana Falalkii Lagu Dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Iyo Guddoomiyihii Gobolka Mudug Ay Dad U Hayaan,Isla Markaana Dhawaan Maxkamad La Soo Taagi Doono.

 

Sidoo Kale Madaxweynaha Ayaa  Waxaa Uu Sheegay In Puntland Ay Wado Qorsho Amni,Sidoo Kale Ay Ku Raadjoogaan Xubno Ka Tirsan Daacish Iyo Al-Shabaab,Isla Markaana Puntland Ay Dagaal Adag La Geli Doonto Puntland  Al-Shabaab Iyo Daacish.

 

Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Ayaa Waxaa Uu Kusoo Aadayaa Xilli Muddo Laab Bilood Gudahood Ah Deegaannada Puntland Lagu Dilay Guddoomiyeyaashii Gobolada Mudug Iyo Nugaal.

Dhageeyso codka Madaxweeynaha Puntland.