Madaxweeyne Waare oo Wasiiradiisa Kala Hadle Fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

0
69

Madaxweynaha maamul goboleedka  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne waxa uu  kula kulmay, xubno ka tirsan Golahiisa  Wasiirada  maamulka Hir-Shabelle, iyagoona ka wada hadlay xaaladda Fatahaada wabiga shabele uu ka geestay magalada Beledweyne Iyo howlaha socda ee Dadka looga badbadiyo  Dhibaatada uu ku hayo wabiga shabele.

 

madaxweynwe Waare iyo Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa ay qorsheeyeen in la fuliyo dhawaan mashaariic wax gal ah oo biyaha looga leexinayo Magaalada Beledweyne .

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday Golihiisa Wasiirada inay dardar geliyaan howlaha shaqa ay u hayaan  Bulshada.

Si kastaba maalmihii u danbeeyay waxaa fatahaaa hor leh sameynayey wabiga shabeelle, isagoo ku fatahay magaalada Baladweeyne iyo deegano kale oo ka tirsan Gobalka Hiiraan iyo deegana Hoostaga Maamulka Hirshabeelle.