Puntland oo Qafiifisay Xayiraadihii saarna Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.

0
70

Maamulka  Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo maanta oo ay ku beegan 18-May 2020 ay khafiifiyeen  bandowgii la xiriiray xanuunka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo la-tacaalidda

xanuunka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in la khafiifiyay go’aannadii la xiriiray

bandowga COVID-19  sida isu-socodka gaadiidka iyo xarumaha ganacsiga ee degaannada Puntland.

Sidoo kale, guddiga ayaa dib u fasaxay iibinta iyo ka ganacsiga Qaadka, balse waxay dadka ka ganacsada xasuusiyeen  in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaadka ee ku saabsan COVID-19 sida af-xirashada, gacmo gashiga Ganacsatada Qaadka, ayaa lagu wargeliyay in ay mas’uuliyad weyn  iska saaraan ilaalinta nadaafadda, islamarkaana aysan Jaadka ku hor-gadin xarumaha dowladda kuna dhaqmaan talooyinka caafimaadka.

Go’aankaas Khafiifinta bandowga xanuunka COVID-19, ayaa dib u-eegis lagu

samayn doonaa iidda Soon-fur kadib, sida ay sheegeen guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka COVID-19 ee Puntland.