Wariyaayasha Muqdisho oo Dowladda ku Dacweeynaya Maxkamado Caalamiya.

0
383

Qaar Ka Mid Ah Wariyayaasha Ku Nool Magaalada Muqdisho Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magalaada Ayaa Ka Hadlay Tacadiyada Soo Noqnoqda Ee Lala Beegsado Wariyayaasha Dalka.

 

Kulanka Oo Ay Ka Soo Qeeyb Galeen Inta Badan Wariyayaashada Muqdisho , Agaasimayaal Iyo Qaar Ka Mid Ah Hogaamiyayaasha Ururada U Dooda Saaxafadda Ayaa Waxaa Dowladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Loogu Baaqay In Ay Wax Ka Qabato Tacadiyada Ay Xubna Ka Tirsan Mas’uuliyiinta Xilalka Ka Haya Dowladda Iyo Maamulada Qaar Ee Xubnaha Ka Ah Dowladda Fedraalka.

 

Ugu Horeynti Kulanka Ayaa Waxaa Ka Hadlay Xoghaya Ururka SJS Abdalla Mumin Axmed Ayaa Sheegay In Is Horsaagyo Lagu Sameeyo Saxafiyiinta Iyadoo Sidoo Kale Aysan Cadaalada Helen Wariyayaasha Marka Ay Cadaalad U Doontaan Xarumaha Cadaaladda, Isagoo Carabka Ku Dhuftay In Ay Jiraan Dilal, Hanjabaado Iyo Faafreeb Lagula Kaco Saxafiyiinta .

 

Xoghayaha Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Saxafiyiin Badan Dalka Sanadihii U Danbeeyay Lagu Dilay Dalka Isaga Oo Tusaale U Soo Qaate  Wariyayaal Uu Ka Mid Yahay AUN Saciid Yuusuf Cali  Oo Bilawgii Bishaan Dil Loo Adeegsaday Tooreey Loogu Geeysta Xaafadda Seeybiyaano Ee Degmada Hodan Ee Gobalka Banaadir.

 

Si Kastaba Waxaa Muddooyiinkii U Danbeeyay Soo Kordhayey Falalka Ka Dhanka Ah Xoriyadda Hadalka Oo Ay Intooda Badan Ay Ku Kacayeen Mas’uuliyin Ka Tirsan Dowladda .

Dhageeyso Codka Wariye Abdalla Muumin Axmed.

 Sawirada