Taliye Cali Gaab oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaday.

0
28

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saakay lagula eegtay magaalada muqdisho gaariga taliyaha hogaanka caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cali Bare Xersi ( Cali gaab) xilli uu marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Xarunta wakaalada Biyaha,waxaana qaraxaas uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Taliye Cali Gaab oo faahfaahin ka bixiyey qaraxaasi ayaa waxaa uu sheegay in Gaariga xilliga qaraxa lala beegsanayay uu geeyay Xafiiskiisa Shaqada,hayeeshee uu soo doonay sarkaal kale balse la qarxiyay.

 

 

Waxaa uu xaqiiyay Taliye Cali Gaab in qaraxaasi uu ku dhintay mid kamid ah ilaaladiisa oo lagu magacabo Xamza Xasan Axmed Mooge,halka ay ku dhaawacmeen saddex Askari oo kale,kuwaas oo xaaladooda Caafimaad haatan lala tacaalayo.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in isaga uu Caafimaad qabo,isla markaana xilliga gaariga la qarxinayay uu joogay Xafiiskiisa Shaqada aadna uga xun yahay dhibaatada gaartay ilaaladiisa.

 

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lala beegsaday Gaari uu leeyahay Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Dhageeyso Codka Taliyaha Hogaanka Caafimaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.