Tirada Dadka uu soo ridanayo Corona ee Somaliland oo Sii korortay.

0
21

Qoraal kasoo baxay Guddiga loo xil saaray  ka hortagga iyo wacyigelinta u qaabilsan Cudurka  safmarka covid 19  xukumada Soomaaliland ayaa lagu sheegay in la baaray 20 uux oo looga shakisnaa in ay qabaan Cudurka COVID-19 balse Cudurka laga helay 2 Ruux.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa  lagu sheegay in qof qabay Cudurka uu ugu dhintay Magaalada Boorama kaas oo noqonaya qofkii 11aad oo Soomaaliland ugu dhinta xanunka  COVID-19.

Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland ayaa noqonaya  721  halka qof 11 kalena  ay u geeriyoodeen  halka 10 Ruux ay ka beegsadeen cudurka covid 19.