Guddiga Xeerarka Doorashooyinka iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Ayaa kulan yeeshay.

0
109

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Xilli hadalhayn xoogan ay ka taagan tahay dib u dhac ku yimaada hannaanka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxay Guddoonka Labada Aqal warbixin ka dhageysteen Guddiga.

Kulankan oo Saxaafadda ay dibadjoog ka ahayd ayaa si furan uga qabsoomay Xarunta Golaha Shacabka, oo ku dhex taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta mucaaradka waxaa ay marar badan ka diggeen dib u dhac ku yimaada xilligii loogu talagalay inay ku qabsoomto doorashada dalka.