Alshabaab oo shegtay Mas’uuliyadda Qarax ka dhacay Gobalka Jubadda Hoose.

0
54

Faah Faahinno Ayaa Waxa Ay Kasoo Baxayaan  Qarax Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Kenya Ee Qeybta Howlgalka AMISOM Lagula Eegtay Gobolka Jubbada Hoose .

Qaraxa Oo Ahaa Nooca Miinada Ee Dhulka Lagu Aaso Ayaa Waxaa Lagu Soo Warramayaa In Lala Bartilmaameedsaday Kolonyo Ay La Socdeen ciidanka Keynya, Xilli Ay Marayeen Deegaanka Hosingow Oo Ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose .

Dhinaca Kale Al-Shabaab Ayaa Baraha Ay Ku Leeyihiin Intenerka Ku  Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaasi Waxa Ayna Sheegeen In Ay Ku Dileen  2 Askari, Sidoo Kalena Ay Ku Dhaawacday 2 Kale Oo Ka Tirsan. Kolonyo Ay La Socdeen Ciidanka Keyna.

Qoraalka Ka Soo Baxay Al-Shabaab Oo Lagu Baahiyey Baraha Internet-Ka Ayaa Waxaa Lagu Sheegay In Weerarkaasi Qaraxa Loo Adeegsaday Ay Ku Gubeen Gaari Ay Lahaayeen Ciidamada Milatariga Dowladda Kenya, Sida Ay Hadalka U Dhigeen.

Illaa Iyo Hadda Ma Jiro Wax Hadal Ah Oo Ka Soo Baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya .

.