Madaxweeyne Qoor Qoor oo sheegay in la qarameyn doono Ciidamada Maleeyshiyaadka ah.

0
89

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Madaxweynaha  Maamul Gobaleedka Galmudug Oo Ku Sugan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa Sheegay In Maamulkiisa Uu Dadaal Badan Uu Ku Bixin Doono Sidii Maleeshiyaadka Tira Badan Looga Qaadi Lahaa Hubka.

 

Qoor Qoor Ayaa Sheegay In Ay Doonayaan In Ay Mideeyaan Awoodda Maamulka Galmudug, Islamarkaana Maleeshiyaad Beeleedyadda  Loo Badali Doono Ciidamada Daraawiishta Iyo Booliska Maamulka Galmudug.

 

“Galmudug Maanta Waxaan Ka Xareyneynaa Hubka Gacmaha Gooni Goonida Ah Ku Jira Oo Aan Awooda Mideyneyno , Awoodaasi Iyo Hubkaasi Waxaan Ku Dhalin Doona Nabadeynta Degaanada Ka Galmudug Iyo Ka Hortagga Dagaal Beeleedyada”Ayuu Yiri Madaxweyne Qoorqoor.

 

Madaxweeynaha Ayaa Sheegay In Amniga Degaanada Galmudug Lagu Wareejin Doono Ciidamo Gaar Ah Oo Ka Amar Ka Qaata Maamulka Galmudug, Islamarkaana Shacabka Laga Doonaayo In Ay Taageero U Muujiyaan Ciidamadaasi.

 

Gabagabada Hadalka Ayuu Waxaa Uu Xusay In Uu Sii Waddi Doono Kulamada Kala Duwan Ee Uu La Qaadanaayo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ee Ku Aadan Sugitaanka Amniga, Dhismaha Dekedda Hobyo, Iyo Sidoo Kale Horumarinta Mashaariicda Horumarineed.

Si Kastaba Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Xil. Axmed Macalin Fiqi Ayaa Waday Howl Galo Maleeyshiyada Ku Sugan Magaaloyinka Maamulka Galmudug Lagu Qarameynayo .