Wasiirka ka tirsan Somaliland oo laha helay Corona

0
74

Xubna ka tirsan golaha wasiirada Somaliland ayaa la shaaciyay in laga helaya xanuunka corona virus, kadib baritaano lagu sameeyay .

 

Warbixin ka soo baxday wasaaradda horumaritan iyo Caafimaadka somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in labo wasiir laga helay xanuunka, kadib markii lagu sameeyey baaritaano caafimaad.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay jiraan wasiiro kale oo Coronavirus laga baaray, balse laga waayey cudurka.

Wasiirka maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Cawad oo ka ka mid ah mas’uuliyiinta cudurka laga helay ayaa sheegay inuu isku arkay calaamadaha Covid-19, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuuna xusay inuu is-karantiilay.

Si kastaba tirade dadka uu soo ridanayo xanuunka corona ee deeganada Somaliland ayaa sii kordheysay saacadihii u danbeyay.