DEG-DEG:-Madaxweynihii Dalka Burundi Oo U Geeriyooday Wadna Xanuun.

0
125

War Kasoo Kasoo Baxay Madaxtooyada Dowladda Burundi Ayaa Lagu Xaqiijiyay Geerida Madaxweynahii Waddankaasi  Pierre Nkurunziza  Oo Maalmihii Lasoo Dhaafay Ku Jiray Cisbitaal.

Qoraalka Dowladda Ayaa Lagu Xusay In Maalintii Sabtida La Dhigay Cisbitaal Kadib Markii Xaalad Deganaasho La’aan Caafimaad Ah Ay Soo Wajahday.

“Dowladda Jamhuuriyadda Burundi Waxay Si Murugo Leh U Shaacineysaa Geerida Lama Filaanka Ah Ee Ku Timid Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, Oo Ku Dhintay Isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, Kaddib Markii Uu Wadnbaha Istaagay 8-Dii Bishan June, 2020-Ka”, Ayaa Lagu Yiri Qoraalka.

Xaaladdiisa Ayaa Soo Hagaageysay Labadii Maalin Lasoo Dhaafay, Balse Maanta Ayuu Mar Kale Dib U Xanuunsaday Kadibna Uu Geeriyooday.

Pierre Nkurunziza Oo Ku Dhintay Da’da 55 Sano ayaa Wuxuu Dalkaasi Ka Talinayay Muddo 15 Sano Ah , Bisha Agoosto Ee Soo Socota Ayaa Lagu Waday Inuu Xilka Ka Dego.