Maxay Ka Yireen Midowga Iskaashiga Islaamka Ee OIC Shirkii Dowladda Somaaliya Iyo Somaliland Ku Dhexmaray Jabuuti.

0
192

Midowga Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka Ee OIC Ayaa War Kasoo Saaray Shirkii AY Todobaadkan Dhexdiisa Dalka Jabuuti Ku Yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Somaliland, Kaasi Oo Uu Marti-Geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal Kooban Uu Soo Saaray Xoghaynta Guud Ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka Ee OIC Ayaa Waxaa Lagu Soo Dhaweeyay Wada-Hadallada Dhab U Heshiisiinta Ah Ee Dhexmaray Dowladda Somalia Iyo Somaliland, Isla Markaana Looga Hadlay Ajendayaal Dhowr Ah.

Waxaa Kaloo Qoraalka Ururka Iskaashiga OIC Lagu Bogaadiyay Go’aankii Ay Labada Dhinac Guddiyo Wadajir Ah Oo U Matalaya Wadahadallada Ay Ku Dhiseen, Si Ay Ugu Gogol-Xaaraan Dib-U-Soo Celinta Wada-Xaajoodyada, Gaar Ahaan Qoddobada Aan Weli La Xalinin.

Ugu Dambeyn Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka Ee OIC Ayaa U Mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Iyo Dowladiisa Oo Door Weyn Ka Qaatay Sidii Ay Heshiis U Gaari Lahaayeen Soomaaliya Iyo Somaliland.