30-Sano kadib Liverpol oo Xalay Roobka guusha u da’ay.

0
100

Kooxda Kubadda Cagta Liverpool ayaa waxay ay  xalay ku guuleystay horyaalka Kubadda Cagta  waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay raadinaysay muddo soddon sannadood ah, waxaana garab ka siisay Chelsea oo ka qabatay Man City oo kusoo xigtay.

Liverpool ayaa rikoodho layaab leh dhigtay xili ciyaareedkan, waxaanay ku qaatay koobka dhibco aan hore loo arag, kuwaas oo ah inay afar dhibcood ka sarreeyaan rikoodhkii ugu badnaa ee farqi ah.

Reds ayaa haysata 23 dhibcood oo ay horyaalka ku hoggaaminayso, halka kooxdii ugu dhibcaha badnayd ay lahayd 19 dhibcood oo ay ka horreysay kooxaha kale, waana City oo xili ciyaareedkii 2017/18 sidaas samaysay.

Markii ay xaqiiqsadeen inay hanteen horyaalka, Jurgen Klopp ayaa ilmada xajisan waayay oo oohin bilaabay, sidaas oo kale waxa muuqaallo laga duubay Kabtan

Jordan Henderson oo ooyaya, waxaana raacayey halyeygii hore ee naadiga ee Dalglish oo kasoo muuqday telefishannada isaga oo farxaddii ay ka keentay ilmo.

Taageereyaasha Liverpool ayaa xalay oo dhan aan ka seexanin damaashaadka farxadda guusha, waxaana iskugu soo baxay dariiqyada magaalada Liverpool kumannaan qof oo shidanayay waxyaabo ololaya, ku lebbisan dharka kooxda, isla markaana dariiqyada ku ciyaarayay.

Booliska ayaa isku dayay inay kala kaxeeyaan dadka maadaama ay jabinayaan sharciga kala fogaanshaha bulsho ee xakamaynta caabuqa Covid, balse waxay awoodi kari waayeen inay wax ka qabtaan.

Si kastba Liverpol ayaa soo afjartay Waqti dheer oo ay la ayeyd hanashada Horyaalka xalay Ayuuna u da’ay Roobkoodii.