Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray Hadalkii GMDQ.

0
108

Xisbiga wadajir, ee uu hogaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur  Warsame ayaa war ka soo saaray Hadalkii Golaha Shacabka ay Shalay Ka hor jeedisay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee  Doorashooyinka Qaranka.

War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga Wadajir ayaa lagu laalay hadalkii Xaliimo Ismaacil (Xaliimo yarey) ay ka hor sheegtay Mudanayaasha Golaha Shacabka ee ahaa in Doorasho waqtigeedii aysan ku qaban karin.

Qoraalka ayaa waxaa loogu baaqay Gudiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka,in loo baahan yahay in ay Iscasilaan maadama Ay waajibaadkoodii shaqo ay ka soo bixi waayeen sida lagu sheegay qoraalka.