Faroole ““Dalkii God Buu Ku Socdaa, Madaxweynihii Dastuurka Loo Xil Saaray Inuu Difaaco Baa Godka Ku Riday”.

0
107

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole  Madaxweynihii Hore Ee Maamul Gobaleeka Puntland, Ahna Senator Ka Tirsan Golaha Aqalka Sare BJFS  Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Dalka, Gaar Ahaan Xubnaha Matalaaddda Gobolka Banaar Uu Ku Yeelanayo Aqalka Sare Ee Dalka.

 

Senator Faroole Ayaana Si Weyn Uga Horyimid Ansixinta Xeerkaasi, Kadib Markii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Ah Ee Soomaaliya Ay Meel Mariyeen In Gobolka Banaadir Uu Aqalka Sare Ku Yeesho Illaa 13 Xubnood.

 

Faroole Ayaa Sidoo Kale Wuxuu Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya Ku Tilmaamay Mid Sharci Darro Ah, Islamarkaana Lagu Deg-Degay, Sida Uu Hadalka U Dhigay.

 

Waxa Uuna Hadalkiisa Intaa Ku Daray In Madaxweeynaha Jamhuuriyada Federaalka Ah  Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Uu Ku Tumanayo Shuruucda Dalka, Kuna Sii Ridayo God Dheer, Isaga Oo Kula Shirkoobay Guddoonka Golaha Shacabka.

 

“Dalkii God Buu Ku Socdaa, Madaxweynihii Dastuurka Loo Xil Saaray Inuu Difaaco Baa Godka Ku Riday, Wuxuuna Kula Shiraakoobay Sharci Darada Hoggaanka Golaha Shacabka.”Ayuu Yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

 

Si Kastaba Hadalka Madaxweeynahii Hore Ee Maamul Gobaleedka Puntland Ayaa Ku Soo Aadaya, Iyadoo Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland Ay Horey Uga Hor Yimaadeen Mataaladda Gobalka Banaadir.

Dhageeyso Codka Cabdiraxman Maxamed Faroole