Dhageyso:Taliska Booliiska Goblka Bari oo goob fagaaro ku gubay halooyin khamri.

0
58

 

Taliska Booliiska Goblka Bari ayaa Goob fagaaro ah ku gubay dhalooyin khamri oo ay soo qab qabteen ciidamada booliiska gobalka bari .

Dhalooyinka Khamriga  oo aad u farabadan ayaa howlgal Ciidamada Booliska Gobolka Bari ay sameeyeen lagu soo qabtay,xilli lagu soo Qariyay Boorsooyinka ay qaataan Dadka Rakaabka ah .

 

G/Sare Xuseen Calli Maxamuud Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari, ayaa hegay in ay marwalba ka hortegi doonaan wax walba oo lagu dhibaateeynaayo Bulshada Gobalka Bari.

Si kastaba taliska gobalka bari ayaa waxa ay  digniin u direen dadka ka Ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaha Khamriga ee inta badan soo geliya Magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari.

Dhageeyso Codka G/Sare Xuseen Calli Maxamuud