Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku Riday Askari horay Dil u geeystay .

0
116

Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ayaa Soo Gabagabeysay Gal Dacwadeedka Eedeysane Xasan Aadan Xasan Maxamed , Oo Loo Heystay Dilka Hooyo Madiina Cabdullahi Cabdi Iyo Xasan Cali Cadaawe.

 

Dable Eedeysane Xasan Aadan Xasan Oo Ka Tirsanaa Saldhigga Booliska Degmada Boondhere, Ayaa 24 April Xilli Habeen Ah Waxa Uu Dil Bareeer Ah Xaafad Ka Tirsan Degmada Boondheere Ugu Geeystay Labada Marxuum Xilli Ay Ku Sugnaayeen Afaafka Hore Ee Guriga.

 

Dilkan Ayaa Sidoo Kale Waxaa Ka Dhashay Banaan Baxyo Shacabku Ay Ku Dalbanayeen In Eedeysanaha La Hor Geeyo Maxkamadda  Si Loo Marsiiyio Cadaaladda.

 

Taliska Booliska Gobalka Banaadir Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Eedeysanaha Dilka Kadib Ayaa Waxa Ay U Gudbiyeen Hay’adda Danbi Barista Booliska Ee C I D , Baaris Dheer Kadib Eedeysane Xasan Adan Xadan Maxamed Ayaa Waxa Loo Gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida .

 

Xafiiska Xeer Ilaalinta  Ayaa Intaa Kadib Soo Codsaday In La Mudeeyo Dhageeysiga Gal Dacwadeedka Eedeysane Xasan Adan Xasan Maxamed.

 

29-Ka Bishii Aan Ka Soo Gudubnay Ee June Ayaa Loo Fadhiistay Dhageeysiga Gal Dacwadeedka Eedeysane Xasan Aadan Xasan.

Markii Ay Soo Dhamaatay Dhageeysiga Eedda Iyo Qareenada Difaacayey Eedeysanaha Ayeey Maxkamaddu Sheegtay In Ay Go’aan Ka Soo Saareyso.

 

Gudoomiyaha Darajada Koowaad Ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Ayaa Maanta Ku Dhawaaqay Xukunka Edeysane Xasan Adan Xasan Maxamed .

Dhageeyso codka G/Sare Xasan Cali nuur shuute