Somaliland oo ka digtay Dadka Ajaanibta ah ee Shirarka ku qabsada Hotelada.

0
116

Somaliland Ayaa Digniin U Dirtay Ajaanibta Ku Sugan Gudaha Deeganadeed , Taas Oo Ay Sheegtay In Ay Shirar Siyaasadeed Ay Ku Qabsadaan Gudaha Somaliland .

 

Naasir Caydiid Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Oo Shir Jira’id  Ku Qabtay Hargeeysa Ayaa Sheegay In Dadka Ajaanibta Ah Ee ku Nool Deeganada Somaliland Kaliya Loo Ogol Yahay In Ay Joogan Dalka Balse Aan Laga Aqbali Doonin In Ay Shirar Siyaasadeed Ay Ku Qabtaan Gudaha Deeganada Somaliland .

 

Wasiir Ku-Xigeenka Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Dadka Aan U Dhalan Somaliland Eek U Sugan Deegaanadeeda Aysan Qaban Karin Shirar La Xiriira Arimo Siyaasadeed.

 

Hadalka Wasiir Ku-Xigeenka Somaliland Ayaa Ku Soo Adaya Xilli Mudooyinkii Danbe Magaalooyinka Soomaliland Ay Ku Soo Badanayeen Dadka Ajaanibta Ah Ee Shirarka Ku Qabsada Hotelada .

Dhageeyso Codka Wasiir ku-xigeenka .