Kiisas hor leh oo Corona ah oo laga helay Puntland .

0
88

Guddiga Xakameeynta Iyo  Ka Hortagga Xanuunka Covid Ee Deeganada Puntlanad Ayaa  Shaaciyey Kiisas Cusub Oo Xanuunka Corona Ah In Laga Helay Deeganada Maamul Gobaleedka Puntland .

 

Warbixinta Maalinlaha Ah Ee Xanuunka Corona Virus Ayey Guddigu Waxaa Ay Sheegeen In La Baaray 29 Qof, Iyada Oo Xanuunka Baritaanka Ka Dib Laga Helay  4 Ka Mid Ah Dadkii La Baaray .

Guddiga Ayaa Sidoo Kale Waxa Ay Sheegen In Dadka Laga Helay Xanuunka Ay Yihiin Kuwa Ay Da’doodu U Dhaxeeyso 20 Illa Iyo 30- Sano Jir.

 

 

Dadka Cudurka Laga Helay Ayaa Sidoo Kale Guddiga Waxaa Ay Sheegeen Inay Kala Joogan Magaalooyinka Garoowe Iyo  Cadaado  .

 

Si Kastaba Tirada Guud Ee Dadka Xanuunka Laga Helay Dalka Oo Dhan Ayaa Waxa Ay Gaareeysa 3015, Halka Xanuunka Ay Ka Bogsadeen 1096 Qof .