Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya oo ku wajahan Hargeeysa .

0
81

Waxaa Saacadaha Soo Socda La Filaya In Magaalada Hargeysa Ay Gaaraan Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Kenya Raila Odinga, Sida Aan Ka Soo Xiganeyno Illo Ku Dhaw Ehelkiisa .

 

Raila Odinga Ayaana La Filaya Inta Uu Ku Suganyahay Somaliland In Uu Kulamo Kala Gedisan La Qaato Madaxda Sar Saree E Somaliland Sida Madaxweeynaha Iyo Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Kenya Raila Odinga Ayaa Horay U Sheegay In Somaliland Ay Tahay Mid Mudan In La Siiyo Aqoonsi Aalami Ah ,Isla Markaana Xisbiga Uu Ka Tirsanyahay Uu Ka Shaqayn Doono Sidii Mooshin Lagu Taageersanyahay Qadiyadda Somaliland Loo Hor Gayn Lahaa Baarlamanka Kenya.

 

Si Kastaba Dhawaan Waxaa Magaalada Hargeysa Tegay Wafdi Uu Hoggaaminayo Hoggaamiyaha Xildhibaanada Laga Tirada Badan Yahay Ee Baarlamaanka Kenya Junet Mohamed, Iyaga Oo La Kulmay Mas’uuliyiin Uu Kamid Yahay Madaxweynaha Soomaaliland .