Wafuud Ku qul quleeysa Dhuusa-Mareeb iyo Amaanka magaalada oo la adkeeyay.

0
123

Wararka Naga Soo Gaaraya Magaalada Dhuusa Mareeb Ee Xarunta Maamul Gobaleedka Galmudug Ayaa Sheegaya In Halkaasi Ay Ka Socdaan Diyaar Garoowgii Ugu Danbeeyay Ee  Shirka La Filayo In Ay Malinimada Beri Ah Ku Yeeshaan Madaxda Maamulada Dalka.

Waxaana Manta Magaalada Dhuusa-Mareeb Gaaray Wafuud Horu Dhac U Ah Kulanka, Iyadoona Aad Loo Adkeeyay Amaanka Guud Ee Magaalada .

 

Saacadaha Soo Socda Ayaana La Rajeynaya In Ay Gaaraan Madaxweeynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweeynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xassan Lafta Gareen , Madaxweeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waarre Iyo Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe .

 

Sidoo Kale Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb Ayaa Aad Loo Adkeeyay,Waxaana Warar Soo Baxayay Ay Sheegayaan In Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland Ay Dalbadeen In Magaalada Dhuusamareeb Laga Saaro Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Haramcad Oo Ay Halkaasi Geysay Dowladda Soomaaliya In Kastoo Warkaasi Laamaha Ammaanka Soomaaliya Ka Hadlin.

 

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Uga Furmaya Magaalada Dhuusamareeb Ayaa Waxaa Oo Dhaweeyay Inta Badan Saamileyda Siyaasadda Dalka .