Hay’ad Caalami ah oo ka digtay Macluul dhamaadka sanadkan ku dhufaneysa Wadama ay Itoobiya ku jirto.

0
90

Ha’yadda Oxfam Oo Ah Hay’ad Qaabilsan Arimaha Saboolnimada Iyo Cuna Yarida Dunida  Ayaa Ka Digtay In Marka La Gaaro Dabayaaqada Sannadkan Ay Maalin Kasta Gaajo U Dhiman Karaan In Ka Badan  12,000 Qof Guud Ahaan Dunida , Tiradaas Oo Ka Badan Karta Dadka U Dilayo Cudurka Corona.

 

Warbixin Dheer Oo Lagu Daabacay Baraha Bulshada Ee Hay’adda Ayaa Lagu Sheegay In Ay Hay’addu Aad Uga Walaacsan Tahay Xaaladda Cuna Yari Ee Ay Dunida Wajaheeyso Iyadoo Indha Caalamku Ay Ku Mashquul San Yihiin Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Safmarka Covid-19.

 

Ha’yaddu Ayaa Sidoo Kale Waxay Sheegtay In Waxyaabaha Horseeday Gaajadu Ay Kamid Yihiin Dhibaatooyinka Dhaqaale Ee Ka Dhashay Safmarka, Sida Shaqo La’aan Baahsan, Xayiraadaha Oo Adkeeyay In La Qeybiyo Cunnooyinka Gargaarka Ah.

 

Oxfam Ayaa Dhanka Kale Waxa Ay Soo Saartay In Illa Iyo  10 Dal Oo Caalamka Ku Yaala Ay Halis Ugu Jiraan Macluul Baahsan.

 

“Waxaan Aqoonsanay 10 Waddan Iyo Gobollo Oo Ay Ka Jiraan Dhibaatooyinka Cunnada Ee Ugu Daran, Kuwaas  Oo Ka Sii Daraya Cudur Daacuunka: Dalalka Yemen, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Ee Kongo (Drc), Afghanistan, Venezuela, Galbeedka Afrika Sahel, Itoobiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Suuriya Iyo Haiti, Waxa Ay Wajahanayaan Dhamaadka Sanadkan Macluul Baahsan Ayaa Lagu Yiri Warbixinta Oxfam”.

 

Si Kastaba Wadamada Iyo Hay’adaha Caalamka Ayaa Waxa Ay Ku Jiraan Sidii Wax Looga Qaban Saameynta Ka Dhalataysafmarka Corona .