Madaxweeynaha Puntland oo Gaaray Magaalada Dhuusa-Mareeb .

0
66

Madaxweeynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka galmudug.

wafdiga madaxweeynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubna ka tirsan Maamulka Galmudug.

Madaxweyna Deni ayaana waxa uu inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusa-mareeb waxa uu kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta maamulka galmudug, isagoo sidoo kale ka qeeyb gali doono shirka wada tashiga madaxda maamul gobaleedyada dalka oo ka furmaya magaalada Dhuusa mareeb.