Madaxweeynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo Dhuusa-Mareeb ku soo wajahan.

0
97

Madaxweeynaha Maamul gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka soo duulay Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo.

wafdiga madaxweeynaha ayaana la rajeynaya in saacadaha soo socda ay ka soo dagaan garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.

Saciid Cabdullahi Deni ayaana in uu halkaasi kaga qeeyb galo shirka wada tashiga maamul gobaleedyada dalka oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Dhuusa-mareeb.

 

Dhanka kale madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxa la filaya in uu saacadaha soo socdo soo gaaro garoonka diyaaradaha ugaas Nuur ee magaalada Dhuusa-mareeb .

sikastaba Madaxda maamulada dalka, wafuud iyo marti sharaf kale ayaa saacadihii u danbeeyay ku sii qul qulayay magaalada Dhuusa-mareeb, halkaas oo uu ka furmayo shirka wada tashiga madaxda maamulada dalka .