Ra’iisul waaarihii hore ee Dalka oo Geeriyooday .

0
111

Allaah U naxariiste Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’isul wasaarihii Hore Ee Soomaaliya xiligii Dowladdii KMG Ahayd  Ayaa Maanta Ku Geeriyooday Dalka Turkiga Sida Ay Xaqiijiyeen Qaar Ka Tirsan Eheladiisa.

 

Xasan Abshir Ayaa Muddooyinkii Dambe Ku Xanuunsanayey Dalka Turkiga Halkaas Oo Uu Ugu Dambeyn Maanta Ku Geeriyooday.

 

Xasan Abshir Ayaa Ra’isul Wasaare Kasoo Noqday Dowladdii Uu Hoggaaminayey Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

Marxuum Xasan Abshir Ayaa Sidoo Kale Waqti Dheer Ahaa Duqa Muqdisho Xiligii Kacaanka. Wuxuu Kaloo Soo Noqday Xubin Baarlamaan.

Dhanka Kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Ayaa Ka Tacsiyadeyay Geerida Allaah U Naxariistee Xasan Abshir “Waxaan Tacsi U Dirayaa Ummadda Soomaaliyeed Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Ra’iisul Wasarihii Hore Ee Dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa Uu Kaalin Muhiim Ah Ka Soo Qaatay Dib-U-Dhiska Dalkeena. Waxaan Alle Uga Baryayaa Inuu Naxariistiisa Janno Ka Waraabiyo, Innagana Uu Samir Naga Siiyo.”