Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Xasan Abshir.

0
104

Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay geeridii ku timid  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsayay Turkiga.

“Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo” ayuu yiri RW Kheyre.

Xasan abshir ayaa ahaa siyaasi in muda ahba ku soo jiray siyaasada soomaaliya inkastoo sanadihii danbe uu ka fadhiisaatay arimaha siyaasa soomaaliya.