Somaliland oo gacanta ku soo dhigtay Lacago Sharci daro ah oo lasoo geliyay Deeganadeeda.

0
97

Taliska Booliska Somaliland Ayaa Howlgal Ay Sameeyeen  Labdii To Dodobaad  Ee Ugu Danbeyey  Ayey Sheegeen  Inay Gacanta Ay  Ku Dhigeen Lacagta Loo Yaqaan Dolarka Madow Ee Been Abuurka Ah Iyo Qamri Badan.

 

Howlgalka Lagu Soo Qabtay Lacagta Been Abuurka Ah Ayaa Ciidamada Soomaaliland Waxaa Ay Ka Fuliyeen Xaafado Ka Tirsan Hargeysa, Burco Iyo Gobolka Sanaag,Waxaana La Sheegay In Sidoo Kale Dad Gacanta Lagu Soo Dhigay.

 

Afhayeenka  Taliska  Booliska Soomaaliland Feysal Xiis Ayaa Sheegay In Dadka Dollarka Been Abuurka Ah Ay Doonayeen In Ay  Dadka Ugu  Bedeshaan Lacagta Soomaaliland Laga Isticmaalo Taas Oo Bulshada Dhibaat Ku Ah.

 

Taliska ayaa sidoo kale waxa ay  Sheegeen  In Falkaasi Ay U Hayaan Shan Rag Ah Iyo Haweeneey,Kuwaas Oo Uu Sheegay In Dhawan La Horkeeni Doono Maxkamadda Magaalada Hargeysa Si Tallaabo Looga Qaado.

 

Waa Markii Labaad Oo Sanadkaan Gudihiisa Ay Ciidamada Soomaaliland Ay Gacanta Ku Dhigaan Lacago Dollar Been Abuur Ah,Kuwaas Oo Ay Boolisku Sheegeen In Dad Loo Maxkamadeeyay Dadka Kalena Loo Maxkamadeynaayo.

Dhageeyso codka Taliska