Aqalka Sare oo soo dhaweeyay War-murtiyeedki laga soo saaray Shirka Wadatashiga Maamulada Dalka

0
73

Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Ayaa Si Diiran U Soo Dhoweeyay War Murtiyeedki Laga Soo Saaray Shirkii Wada Tashiga  Dowlad Goboleedyada Dalka Ay  Ku Yeesheen Magaalada Dhuusamareeb Ee Galmudug.

 

War Qoraal Ah Oo  Kasoo Baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi Ayaa Waxaa Boggaadin Loogu Diray Madaxda Iyo Shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug Kaalinta Mugga Leh Ee Ay Ka Qaateen Qabsoomida Shirkaas.

 

 

Si Kastaba Qoraalka  Aqalka Sare Ayaa Waxaa Lagu Sheegay In Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Dhuusamareeb Ay U Arkaan Kuwo Horudhac U Ah Heshiis Ay Wada Gaaraan Madaxda Sare Ee Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, Isla Markaana Horseedi Kara,Nabad, Deganaansho Iyo Horumar.

Hoos ka akhriso warka ka soo baxay aqalka sare