Duqa Muqdisho oo Baaq u diray Dadka ku nool Caasimadda.

0
79

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Ayaa Sheegay In Roobabkii Ka Da’ay Xalay Illaa Saakay Caasimadda Ay Saameyn Ballaaran Ku Yeeshay Bilicda Iyo Muuqaalka Magaalada, Isagoo Xusay Inay Biyo Fariisteen Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muhiimka Ah Ee Magaalada.

 

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Maanta Saxaafadda La Hadlayay Ayaa Balan Qaaday In Shacabka Soomaaliyeed Ee Ku Nool Caasimadda Ay Si Deg Deg Ah Howl Lagu Dardargelinayo Horumarinta Nadaafada Iyo Bilic Soo Celinta Caasimadda La Bilaabayo, Isagoo Dhamaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir Ku  Iyo Shacabka Ku Nool Degmooyinka Ugu Baaqay In Ay Kaalin Weyn Ka Qataan Soo Celinta  Nadaafada Iyo Bilicda Magaalada .

 

Cumar Filish Duqa Caasimadda Ayaa Sheegay In Ay Wadaan  Qorshooyin Lagu Dardargelinayo Horumarinta Caasimadda, Islamarkaana Maamulka Gobolka Banaadir Ay Ka Go’an Tahay Ka Shaqeynta Horumarinta Caasimada, Dhinacyada Amniga, Nabada, Nadaafada, Bilic Soo Celinta Caasimadda Iyo Wacyigilin Bulshada Soomaaliyeed.