Taliyaha Ciidamada Xoogga oo ka hadlay Weerar uu ka bad baaday.

0
72

Faahfaahino Hor Leh Ayaa Ka Soo Baxaya Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Gaadiid Uu La Socday Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage Xilli Ay Marayeen Agagaarka Isbitaalka Xoogga Dalka.

 

Gadiidka Uu La Socday Taliya Odowaa Ayaa La Sheegay In La Weeraray Xilli Ay Marayeen Agagaarka Isbitaalka Xxoogga Ee Degmada Hodan, Sidoo Kale Wararka Aya Sheegaya In Qaraxa Uu Ahaa Mid Gaari Laga Soo Buuxiyey Walxaha Qarxa Lala Beegsaday Taliyaha.

Weerarkan Ayaana Lagu Qaaday Gaari Nooca Loo Yaqaano Surf , Uu Watay Qof Ismiidamiye Ah, Taas Oo Keentay In Ilaalada Taliyaha Ay Ka Shakiyan Kadibna Rasaas Lagu Furo .

 

Inta La Xaqiijiyay Qaraxaasi Ayaa Waxaa Ku Dhintay Qofkii Waday Gaariga Laga Soo Buuxiyay Waxyaabah Qarxa Iyo Haweenay Goobta Mareysay,Sida Ay Xaqiijiyeen Saraakiil Ka Tirsan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

 

Dhanka Kale Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage Oo Qarax Kadib Warbaahinta Dowladda La Hadlay Ayaa Sheegay In Bartilmaameedka Qaraxa Uu Ahaa Isaga , Lana Doonaye In Lagu Dilo.

Si Kastaba Laba Todobaad Ka Hor Ayeey Aheyd Markii Miino Nooca Dhulka Lagu Aaso Loo Dhigay Kolanyo Ciidan Uu La Socday Taliye Ku-Xigeenkii Hore Ee Ciidamada Xogga Dalka G. Bariise.