Abdirariin H.Guleed “Waa Nasiib Daro Weyn Iyo Walaac Bulsho Iney Markale Soo Noqoto Doodda Shahaadada”.

0
97

Madaxweeynahii Hore Ee Ee Maamul Gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed Ahna Gudoomiyaha Xisbiga SAHAN Ayaa Ka Hadlay Khilaafka Soo Noq Noqday Ee Ka Dhax Taagan Waasaaradda Waxbarashada Dalka Iyo Midda Maamulka  Puntland .

 

Guleed Ayaa Qoraal Uu Ku Daabacay Waxa Uu Ku Yeeshay In Ay Nasiib Daro Tahay In Marke Uu Soo Noqdo Khilaafka Shahaadooyinka Dugsiyada Sare Ee Ardayda Puntland La Siin Lahaa.

 

War-Qoraal Ah Uu Ku Daabacay Bartiisa Facebook-Ka Ayuu Ku Sheegay In Dowladda Federaalka Ah Dhankeeda Mas’uuliyad Balaaran Ay Ka Saran Tahay In Ay Wax Ka Qabato Arintan Soo Noq Noqotay.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Uu Facebook=Ga Soo Dhigay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

 

Waa Nasiib Daro Weyn Iyo Walaac Bulsho Iney Markale Soo Noqoto Doodda Shahaaddada Dugsiga Sare Ee Ardeyda Soomaaliyeed Ee Ku Nool Deegaannada Puntland.

Muddo Badan Oo Aan Ka Shaqeynayey Arrimaha Waxbarashada, Waxaan Fahmi Karaa Marxaladda Ay Ku Suganyihiin Carruur Muddo Wax Soo Baranayey Oo Muran Laga Galiyo Shahaaddada Qalin Jabinta Iyo Xaaladda Waalidkii Kusoo Rafaaday, Kuna Soo Tiir Iyo Tacab Beelay Iney Heerkaan Soo Gaarsiiyaan.

Dowladda Federaalka Ah Masuuliyad Ballaaran Ayaa Ka Saaran Dhismaha Mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed, Mana Ahan Wax Maangal Ah In Dhaanto Siyaasadeed Lagu Dul Qabsado Aayaha Ubaxa Dalka.

Waxaa Na Damqineysa In Mar Walba Xiligaan Oo Kale Laga Dooddo Arrimaha Ardeyda Puntland Iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Waxey Aheyd In Qof Walba Uu Masuuliyadiisa Qaato, Oo Arrintaan Xal Laga Gaaro Xili Hore Inta Aanu Imtixaanku Imaanin, Maadaama Lasii Ogaa.

Dhibaato Walba Oo Soo Gaarta Mustaqbalka Caruurtaas, Sida Iney Waxbarashada Ka Niyad Jabaan, Iney Naceyb U Qaadaan Dowladnimada Iyo Ku Dhaqanka Go’aanno Khalafsan Oo Xaga Caafimaadka Ah Waxaa Masuuliyaddeeda Qaadan Doonta Cid Walba Oo Si Toos Ah Iyo Si Dadban U Hor Istaagta Xaqiijinta Halgankooddii Koowaad Ee Nolasha.

Waxaan Uga Baaqaya Dowladda Federaalka Ah Iyo Puntland Iney Badbaadiyaan Rajada Iyo Aayaha Ardadaas Oo Ay Hab Tanaasul Ah Ku Xaliyaan Doodda Sannadkaan, Wixii Sanadkaan Ka Dambeeyana Waa In Arrintaan Jiho Maangal Ah Oo Isla Ogol Ah Loo Dhigaa.

Hagaajinta Mustaqbalka Carruurtu Waa Keydka Ugu Weyn Qarannimada.

 

 

 

=================Dhamaad================