Dhageeyso:- Khasaaro ka dhashay Derbi ku soo dumay kaam ku yaalo Deegaanka Garasbaaleey.

0
83

Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaanka Garas Baaleey Ayaa Sheegaya In Halkaasi Mid Ka Mid Ah Kaamamka Ku Yaalo Deeganka Uu Derbi Ku Sooo Dumay , Xilli Saacadihii La Soo Dhaafay Ay Roobab Lixaad Leh Ay Ka Da’ayeen Muqdisho Iyo Deeganada Hoostaga.

 

Qooys Ka Mid Ah Qooysaska Degan Kaam Ku Yaalay Deegaanka Garasbaaleey Gaar Ahaan Waaxda Afaarad Ayaa La Sheegay In Uu Ku Soo Dumay Derbi , Kaas Oo Ay Ka Dhasheen Khasaaro Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac.

Illaa Iyo Hadda Inta La Xaqiijiyay Afar Caruura Ayaa Ku Geeriyootay , Hal Qof Oo Kalana Dhaawac Ayaa  Soo Gaaray  Kadib Markii Uu Soo Dumay  Darbi  Guri  Ay Daganaayeen  Qoys Ka Mida  Dad Barakacayaal  Ah Oo Daganxero Ku Taala  Deegaanka Garasbaaleey  .

 

Gudoomiyaha Waaxda Afraad Deegaanka Garasbaaleey Maxmuud Xaashi Cali  Ayaa Idaacada Star Fm Oo Uga Waramay Dhacdadaan Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyey Sida Ay Wax U Dhaceen.

 

 

Si Kastaba Roobab Lixaad Leh Oo  Ka Da,Ay Magaalada Muqdisho Iyo Deeganada Hoostaga  Saacadihii La Soo Dhaafay  Ayaa Qasaaro Kala Duwan Gaystay.

Dhageeyso codka Gudoomiyaha Waaxda Afaraad Maxmuud Xaashi Cali.