Golaha Wakiilada Puntland oo Xaruntooda u iibinaya Cabsi Amni.

0
74

Mudanayaashada  Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Lagu Soo Warramayaa In Ay Ansixiyeen In La Iibiyo Xarunta Ay Hadda Ku Shaqeeyeen Oo Ku Taalla Bartamaha Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

 

 

Illa Ku Dhaw Golaha Wakiilada Puntland Ayaa Sheegay In Arrintaasi Ay Ka Dambeysay, Kadib Soo Jeedin Ka Timid Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Oo Ay Meel Mariyeen Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland .

 

Guddoonka Sare Ee Golaha Wakiilada Puntland Ayaa Kulan Ay Shalay Yeesheen Waxa Ay Golaha Wakiilada Puntland U Gudbiyeen Codsi Ku Aaddan In La Iibgeeyo Xarunta Uu Ku Shaqeeyo  Baarlamanka, Isaga Oo Sababta Ku Sheegay Arrimo Amni, Maadaama Ay Haatan Xarunta Ku Dhex-Taallo Xaafado Ay Dagan Yihiin Dad Shacab.

 

Kulanka Oo Ahaa Mid Qarsoodi Ah Ayaa Waxaa U Codeeyey In Xarunta Baarlamaanka La Xaraasho Illaa 31 Xildhibaan Oo Ka Mid Ahaa 41 Mudane  Oo Soo Xaadiray Fadhigii Shalay Oo Isniin Aheyd, Waxaana Diiday 6 Xildhibaan , Halka Ay Ka Aamuseen 4 Xildhibaan Oo Kale Oo Kulanka Xaadir Ahaa.

 

Dhanka Kale Illaa Iyo Hadda Guddoonku Ma Shaacin Halka Laga Dhisi Doono Xarunta Cusub Ee Baarlamaanka Puntland, Maadaama Ay Ansixiyeen In La Iibiyo Xarunta Ay Hadda Ku Shaqeeyaan.

 

Si Kastaba Ha’ahaatee Baarlamaanka Puntland Ayaa Muddo Fog Ku Shaqeynayey Xarunta Uu Haatan Degan Yahay Oo Ka Soo Horjeedo Xaruntii Hore Ee Madaxtooyada.