Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

0
160

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo si wadajir ah ay garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyeen Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda dowlad goboleedyada dalka oo uu shir ugu soo gabagaboobay magaalada Dhuusamareeb.

Kheyre ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb kaga sii horeeyay xubno ka tirsan Shaqaalaha Xafiiskiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah, kuwaa oo barqanimadii maanta ka amba-baxay Magaalada Muqdisho.

Sida uu qorshuhu yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna lagu wadaa in maalmaha ina soo aadan uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waana markii ugu horeysay ee uu ra’iisul wasaare Kheyre tago magaalada Dhuusamareeb tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.