Ra’iisul wasaare Kheeyre oo ku wajahan Caasimadda Galmudug.

0
73

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ayaa La Filaya In Saacadaha Soo Socda Uu Safar Ugu Amba Baxo Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Caasimadda Maamul Gobaleedka Galmudug , Halkaas Oo Ay Ku Sugan Yihiin Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Dhexe.

 

Magaalada Dhuusa-Mareeb Ayaana Laga Dareemaya Diyaar Garoowga Balaaran Ee Loo Sameynayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

 

Dhanka Kale Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Madaxweynaha Maamul Gobaleedka  Galmudug Ayaa Sheegay In Shirka Wadatashiga  Maamul Goboleedyadda Uu Kusoo Dhammaaday Sidii La Rabay, Islamarkaana Maalmaha Soo Socda Uu Furmi Doono Shir Kale Oo Ay Kasoo Qeyb Gali Doonaan Madaxda Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya.

 

Waxaana Aad Loo Adkeeyay Amaanka Guud Ee Deeganada Galmudug , Gaar Ahaan Amagaalada Dhuusa-Mareeb Oo Ay Hadda Gaareen Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha Iyo Wafdi Hor Dhac U Ah Safarka Xasan Cali Kheyre.

 

Dhanka Kale Maalinimada Khamiista Ah Ayaa La Filaya In Uu Isna Magaalada Dhuusa-Mareeb Gaaro Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Si Kastaba Shirka Wada Tashiga Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Dowladda Federaalka Ah Ayaa La Filaya In Uu Halkaasi Ka Furmo Maalmaha Soo Socda.