Ra’iisul wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa-Mareeb.

0
100

Xasan Cali kheyre Ra’iisul wasaaraha Dalka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb , Iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi.

 

Wafdiga uu hogaaminaya Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa garoonka diyaaradaha Caasimadda Galmudug waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweeynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ,Madaxweeynayaasha Maamulada Hirshabeelle ,Koonfur galbeed ,Madaxweeynaha Maamulka Jubbaland ,wasiirro , Saraakiil ciidan iyo Qeeybaha Kala duwan ee Bulshada Galmudug.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaana lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxda maamulada halkaasi ku sugan ka hor Shirka guud ee Wadatashiga Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe.

 

Dhanka kale madaxweeynaha Dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta khamiista ah uu gaaro Dhuusa-mareeb halkaas oo todobaadka soo socdo lagu wado in uu ka dhaco shirka Wadatashiga Madaxda maamulada dalka iyo kuwa Federaalka.

 

Sawirada soo Dhaweeynta Ra’iisul wasaaraha.