Waddo Halboowle u ah Caasimadda oo Dhagaxyo lagu xiray.

0
109

Waxaa Maalintii Labaad Si Toos Ah U Xiran Wadooyinka Gala Isgooyska EX-Control Afgooye Ee Maagalada Muqdisho, Iiyadoo Jid Gooyooyin Cusub La Soo Dhigay Isgooyska .

 

Wadada Xiririrsa Muqdisho Iyo Afgooye , Sidoo Kale Ah Halka Ay Maraan Ganacsiga Ugu Badan Caasimadda Ayaa Maalmihii La Soo Daafay Waxaa La Dhigay Dhagaxyo Hor Leh Kuwaas Oo Lagu Xiray Afarta Dhinac Ee Isgooyska Laga Soo Galo .

 

Dhagaxyadaan Ayaa Lagu Xiray Dhamaan Hareeraha Wadooyinka Soo Gala Isgooyska EX-Control Afgooye , Sawira Laga Soo Qaaday Isgooyska Ayaana Muujinaya In Ay Hakad Galeen Isku Socodkii Gadiidka Ee Muqdisho Iyo Deeganada Hoos Taga.

 

Wadada Isku Xirta Isgooyska Xoosh Iyo Ex-Control Afgooye Ayaa Waxa Ay Xiran Tahay Aga Gaarka Jaamacadda Muqdisho, Taas Oo Masaafo Yar U Jirta Isgooyska , Dhanka Kale Wadada Dheer Ee Muqdisho Iyo Afgooye Isku Xirta Sidoo Kale Isgooyskana Soo Marta Ayaa Waxa Ay Iyana Ay Ka Xiran Tahay Goob Gaadiidka Lagu Ubiyo Taas Oo Ku Taalla Agagaarka Wadada Loo Yaqaano Macalin Nuur, Wadada Kale Ee Ka Timadda Warshadaha Hor Martana Ex-Control Ayaa Waxa Ay Ka Xiran Tahay Goob Lagu Iibiyo Dhuxusha Oo Aan Ka Fogeeyn Isgooyska Haanta Dheer Ee Degmada Hodan.

 

Illa Iyo Hadda Lama Oga Sababta Rasmiga Ah Ee Ka Danbeeysa Xirnaanshaha Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye.

Dadka Danta Yar Ah Ee Ku Dhaqan Deeganada Hoos Yimaada Muqdisho , Sidoo Kale Caasimadda U Soo Shaqa Taga Ayaa Dhib Weeyn Ku Qaba Xirnaashaha Wada , Oo Muhiim U Ah Isku Xirka Caasimadda Iyo Deeganada Hoostaga.