Dhageeyso:- Afhayeenka Booliiska oo Faahfaahn ka bixiyey Amaro laga soo saaray Imtixaanka Shahaadiga.

0
79

Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Ayaa Amaro Cusub Ka Soo Saaray Imtixanaadka Dugsiyada Saree E Dalka Oo La Filayo In Sibuuca Soo Socda Ay Ka Bilaabmaan Dalka Oo Dhan.

 

Ciidamda Booliiska Soomaaliyeed Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Sanadkaan Aad Loo Adkeeyay Goobaha Lagu Galayo Imtixaanadka Dalka.

 

Booliiska Soomaaliya Ayaa Sanadkan La Wareegay Sugidda Amaanka Dhamaan Goobaha Lagu Galayo Imtixaanadka , Iyagoo Sidoo Kale Amaro Ku Soo Rogay Dadka Been Abuurka Iyo Borobagaandada Ku Faafinayo Baraha Bulshada.

Afhayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Dhame Sadiik Aadan Cali Oo Wareeysi Gaar Ah Siiyay STAR FM Ayaa Waxa Uu Ka War Bixiyay Sida Sanadkan Ugu Diyaar Garoobeen Imtixanaadka Dalka.

 

Taliye Sadek Ayaa Sheegey In Sanadkaan Aan Loo Dul Qaadan Doonin Cid Borobogaando Ka Gudbisa Imtixaanaadka Shaahadiga Dalka.

“ Uma Dul Qaadan Doono Mana Jiri Doonro Qof Nuucu Rabo Ama Mansabkuuu Rabo Ha Jooge In Meeshii Uu Galaba Uusan Nooga Nabad Gali Doonin Qofkii Car Qaladeya Imtixaanaadka” Ayuu Yiri Afhayeenka Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Taliska Ayaa Sidoo Kale Waxa Uu Xusay In Inka Badan 2000 Oo Isugu Jirta Saraakiil Iyo Taliyayaal Ciidan Loo Xil Saaray Sugadda Goobaha Imtixanaadka Lagu Galayo.

 

Taliyaha Ayaana Waalidiinta Iyo Ardaya Soomaaliyeed Ugu Baaqay In Ay Sidagan Ku Galaan Imtixaanka , Amaankiisana Leysku Haleyn Karo.

Dhageeyso Codka Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed.