Diyaaraddii Sidday Meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka oo soo gaartay Muqdisho.

0
97

Allaah u naxariistee Waxaa magaalada muqdisho soo gaartay Diyaaraddii Sidday meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Farax.

 

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cabdulle Kaga Qayb Galay Dukashada Salaadda Janaasada Ee Marxuum Xasan Abshir Faarax Oo Horay U Soo Qabtay Jagooyinka Kala Ah Raiisul Wasaare Iyo Duqii Muqdisho.

 

Madaxweynaha Ayaa Salaadda Janaasada Ka Dib Waxa Uu Si Gaar Ah Ugu Tacsiyeeyay Qoyska Marxuumka Oo Qaar Ka Mid Ah Ay Ku Kulmeen Janaasada, Isoogana Alle Uga Baryey Samir Iyo Iimaan, Marxuumkana Jannatul Firdows.

 

Guddoonka Baarlamaanka,R/Wasaare Kuxigeenka Dalka,Madaxweynayaashii Hore, Iyo Xubno Ka Tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya Ayaa Sidoo Kale Ka Qeybgalay Salaadda Janaasada Marxuumkaasi Oo Lagu Wado In Lagu Aaso Magaalada Garoowe.

 

Dhanka Kale Magaalada Garoowe Waxaa Ka Soconaysa Qaban Qaabo Ku Aadan Aaska Meydka Xasan Abshir R/Wasaarihii Hore,Iyadoo La Filayo In Ay Ka Qeybgalaan R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Madaxda Dowlad Goboleedyada.

 

Marxuum Xasan Abshir,Ayaa Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Ankara Ee Dalka Turkiga, Oo In Muddo Ah Uu Ku Xanuunsanayay,Xasan Abshir Ayaa Xilal Kala Duwan Ka Soo Qabtay Dowladihii Dalka Soo Maray.