Ra’iisuul wasaare Kheyre oo gaaray Garowe.

0
91

Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha Dalka Xassan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland , halkaas oo uu kaga qeeyb galayo aaska Xassan Abshir Farax ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

 

Garoonka diyaaradaha garowe ayaa waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, uu hogaaminayo madaxweeynaha maamulkaasi Saciid Cabdullahi Deni.

Ra’iisul wasaaraha ayaa markii uu garoonka ka soo dagay kadib waxaa loo gudbiyay Qeybta nasiinada Garoonka .

Xasan Cali kheyre ayaa lagu wada in halkaasi uu kaga qeeyb galo Aaska Allaah u naxariiste Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax, oo dhawaan ku geeriyooday Dalka turkiga .