Fah-Faahino:-Qarax Khasaaro Geystay Oo Caawa Ka Dhacay Isgoyska Taleex Ee Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir+Sawirradda.

0
213

Faah Faahino Ayaa Laga Helayaa Qarax Caawa Ka Dhacay Agagaarka Isgoyska Taleex Ee Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir, Qaraaxi Ayaana Jugtii Laga Maqlay Xaafado Ka Tirsan Gobolka Banaadir.

Dad Kusugnaa Halka Uu Qaraxa Ka Dhacay Ayaa Inoo Sheegay In Qaraxa Oo Jugtiisa Meelo Badan Laga Maqlay Uu Ka Dhacay Dhisme Qabyo Ah Oo Ka Soo Horjeedka  Maqaayada Creams Iyo Xarunta Premier Bank Oo Ku Yaalla Halka Ay Iska Galaan Wadada Maka Al-Mukarama Iyo Isgoyska Taleex.

Inkastoo Aan Si Rasmi Ah Loo Ogeyn Sida Uu Qaraxan U Dhacay Hadana Wararka Qaar Ayaa Sheegaya In Loo Adeegsaday Bacda Madowda Ah Oo Lagu Soo Qariyey Waxyaabaha Qarxa Ka Dibna Wadada Dhinaceeda La Dhigay

Sidookale Wararka Qaar Ayaa Sheegaya In Xiliga Qaraxa Uu Goobta Ka Dhacayey Uu Marayay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinaasir Saciid Muuse.

Waxaa Ka Dhashay Qaraxa Khasaare Dhaawac Ah Mana Cadda Tiradda Rasmiga Ah Ee ku Dhaawacantay.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Booliska Dowladda Oo Ku Sugnaa Meel Aan Sidaas Uga Fogeyn Ayaa Goobta Uu Qaraxu Ka Dhacay Tegay,Iyagoo Xiray Aaga, Sidoo Kalena Ay Wadaan Baaritaano Kala Duwan Oo Ku Aadan Qaraxaas.

Wixii Kusoo Kordha Qaraxaasi kala soco Starfmsomalia.Com.