Jubbaland oo faahfaahino ka bixisey Howl-galo ay Ciidamadeeda ka sameeyeen Gobalada Jubooyinka.

0
141

Taliska Ciidamada Jubbaland Ayaa Faahfaahino Ka Bixiyey Howl Galo Saacadihi La Soo Dhaafay Ay Ka Sameeyeen Gobalada Jubbooyinka , Kuwaas Oo Deegaano Ka Mid Ah Ay Ku Sugan Yihiin Al-Shabaab.

Janeraal Aadan Maxamuud Ibraahim  Koojaar Taliyaha Guud Ee Ciidammada Jubbaland Ayaa Sheegay In Howlgallada Ay Ka Sameeyen Deegano Ka Tirsan Gobalada Jubbooyinka Ay Yihiin  Ay Yihiin Kuwo Joogto Ah Oo Ka Socda Gobolada Deegaannada Maamulka Jubbaland,Isla Markaana Ay Doonayaan In Ay Al-Shabaab Ay Kaga Xoreeyaan Deeganada Ay Heeystaan.

 

Taliyaha Ayaa Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay In Ciidamada Dowladda & Kuwa Jubbaland Ay Howlgal Ka Fuliyeen Deegaanka Buulo Xaaji Oo Ku Yaalla Duleedka Kismaayo Kuna Burburiyeen Saldhigyo Ay Lahaayeen Al-Shabaab, Sidoo Kale Howlgalo Kale Oo Laga Fuliyey Degaanka Koban Oo Ku Yaalla Waqooyiga Magaalada Kismaayo,Isla Markaana Ciidamada Ay Ka Hortageen Weeraro Ay Qorsheynayeen.

 

Si Kastaba Ciidamada Maamulka Jubbaland Ayaa Muddooyinkii U Danbeeyay Howl Galo Amni Xaqiijin Ah Waxa Ay Ka Wadeen Deeganada Hoostaga Maamulka Gobaleedka Jubbaland .