Madaxweeynaha Jubbaland oo Kulama la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Deeganada Jubbaland.

0
83

Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe  Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Ayaa Xalay Kulama Gaar Ah Hooyga Uu Ka Dagan Yahay Magaalada Dhuusa-Mareeb Kula Qaatay Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo Ay Deegaan Doorashooyinkooda Ay Yihiin Deeganada Maamulka Jubbaland.

 

Kulankan Ayaa Ahaa Mid La Isku Xog Waraysanayay Xaalada Guud Ee Dalka Uu Marayo Iyadoo Madaxweynahu Uu Dhamaan Xildhibaanada Jubbaland Ku Matala Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Ah Uu Ku Marti Qaaday Jubbaland Si Looga Wada Tashado Arimaha Masiiriga Ah Ee Dalka.

 

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Madaxweeynaha Kulanka La Qadatay Ayaa Sidoo Kale Wax Ay Sheegen In Madaxweeynaha Uu Ka Codsaday In Ay Yimaadaan Deeganada Maamulka Jubbaland Si Ay Uga Soo Wada Tashadaan Arimo Dhowr Ah.