Madaxda Maamulada Dalka oo sheegay in la xaliyay Khilaafki u dhaxeeyay Dowladda iyo Maamulada.

0
124

Qaar Ka Mid Ah Madaxweeynayaasha Maamul Gobaleedyada Dalka, Ayaa Xaqiijiyay In La Dhameeyay Khilaaf Muddooyinkii U Danbeeyay U Dhaxeeyay  Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Dowldda Federaalka Ah Ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Ayaa Sheegay In Is Afgarad Buuxa Laga Gaaray Khilaafkii Kala Dhaxeeyay Maamulkiisa Dowladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya, Kaas Oo Ka Dhashay Doorashadii Uu Kusoo Baxay Ee Ka Dhacday Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Maamul Gobaleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Wada-Hadallo Hoose Oo Maalmihi La Soo Dhaafay Dhex-Maray Madaxda Sare Ee Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada Ee Ku Wada Sugan Dhuusamareeb Si Hoose Wax Loo Xeeriyay,Isla Markaana Tanaasul Farabadan Las Ameeyay.

Madaxweynaha Jubbaland Ayaa U Mahada Celiyay Madaxweyne Farmaajo Oo Uu Sheegay In Uu Suurtageliyay Qabsoomida Shirka Dhuusamareeb Iyo In Xal Laga Gaaro Khilaafkii U Dhaxeeyay Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Madaxtooyada Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Jubbaland Ayaa Waxaa Bilihii La Soo Dhaafay Ka Dhaxeeyay Khlaaf Ka Dhashay Doorashadii Lagu Qabtay Kismaayo,Waxaana Taasi Ay Sababtay In Dowladda Ay Cunaqabateyn Saarto Magalada Sidoo Kale Ciidamo Ay Geyso Degmooyinka Gobolka Gedo Kalana Wareegto Ciidamada Jubbaland Oo Ku Sugnaa.

Dhanka Kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Ayaa Dhankiisa Sheegay In La Xaliyay Khilaafki Dhanka Puntland Kala Dhaxeeyay Maamulka Puntland .

Saciid Cabdullaahi  Deni Oo Dhankiisa Ka Hadlay Shirka Wada Hadalada Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Dhexe Iyo Dowladda Federaalka Ayaa Sheegay In Dadaal Badan Oo La Sameeyay Iyo Wada-Hadal Uu Meesha Ka Baxay Khilaafkii Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Madaxweeynaha Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Warar Loo Kala Gudbiyay Hayeeshee Taasi Ay Dhamaaday, Waxaana Hadalkiisa Intaasi Ku Daray In La Joogo Xilligii Midnimada,Isaga Oo Uga Mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo Oo Muujiyay Dulqaad Iyo Odaynimo.

Si Kastaba Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi  Deni Ayaa Waxaa Uu Ka Dambeeyay Tan Iyo Marki Madaxweyne Deni Loo Doortay Hoggaamiyaha Puntland Uu Khilaaf Xoogan Kala Dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka.