War-murtiyeed laga soo saaray Shirka dhuusa-mareeb iyo madaxda ka hadashay.

0
98

Waxaa Xalay Magaalada Dhuusa-Mareeb Laqgu Soo Gaba Gabeeyay Shir Weeynaha Wada Tashiga Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Dhexe Iyo Madaxda DFS.

Shirkan Oo Ay Ka Qeeyb Galeen Madaxdaweeynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheeyre , Madaxweeynayaasha Maamul Gobaleedyada Dalka , Xildhibaano Iyo Goalayaasha Kale Ee Dowladda Labada Heer, Ayaa Waxa Looga Hadlayay Ajandayaal Dhowr Ah .

Hoos Ka Akhriso Ajandayaasha Kulanka Looga Hadlayo.

 

Furitaanka Shirka Ayaa Ugu Horeyn Waxaa Laga Akhriyay Madasha War-Murtiyeed Ka Koobaan Laba Bog Kaas Oo Ay Si Wada Jir Ah U Soo Saareen Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Dowladd Federalka Ah.

 

 

Akhrinta War-Muritiyeedka Kadib Ayaa Waxaa Kulanka Hadallo Ka Jeediyay Madaxda Kulanka Ka Soo Qeeyb Gashay .

Madaxweeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Oo Furitaanka Khudbadaha Madaxda Ka Hadlaya Ayaa Waxa Uu Madaxda Kulanka Uga Mahad Celiyay Sidii Ay U Aqbaleen Gogoshaa Ay Fidisay Galmudug.

 

Madaxweeynaha Maamulka Puntland Oo Dhankiisa Ka Hadlay Shirka Ayaa Waa Uu Sheegay In Kulamo Maalmihi La Soo Dhaafay Ay Lahaayeen Madaxda Dowladda Dhexe Lagu Xaliyay Khilaaf Muddo Soo Jiitamayay Oo Puntland Ay Isku Hayeen .

Deni Ayaa Waxa Uu Sidoo Kale Xusay In Xal Waara Laga Gaaray Is Afgarawaagii U Dhaxeeyay Dowladda Dhexe Iyo Maamulkiisa.

Waxa Uuna Madaxweeynaha Maamulka Galmudug Uga Mahad Celiyay Sida Ay U Marti Geliyeen Shir Weeynahan.

 

Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Dhankiisa Khudbad Dhinacyo Badan Taabaneeysa Ka Jeeydiyey Shirka Ayaa Waxa Uu Mahad Celi U Jeeydiyay Madaxda Shirka Ka Soo Qeeyb Gashay.

 

Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen Ayaa Waxa Uu Soo Hadal Qaaday In Wada Jirku Uu Yahay Mid Muhiim Ah , Isaga Oo Tusaale U Soo Qaatay Musiibooyinka Dalka Xiligaan Uu Wajahayo , Waa Uuna Ku Baaqay In Loo Midoobo Danaha Umadda Soomaaliyeed.

 

Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Ayaa Waxa Uu Madaxda Galmudug Waxa Uu Uga Mahad Celiyay In Ay Qaateen In Ay Gogoshaan U Fidiyaan Soomaaliya.

Inta Ka Gadaal Madaxweeynaha Jubbaland Ayaa Waxa Uu Sheegay In Xilliga La Marayo Uu Yahay Xilli Kala Guur Ah Oo Inta Badan Madaxda Loo Kala Waramo, Balse Loo Baahan Yahay In La Wada Shaqeeyo.

 

Dhanka Kale Madaxda Kulanka Ka Hadashay Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waarre , Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabaneysa Ka Jeeydiyay Kulanka.

Madaxweeyne Waarre Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ay Tahay Maalin Taarikhi Ah Oo Umadda Soomaaliyeed Taariikh U Leh.

Inta Kadib Kulanka Oo Muddo Saacado Ah Socday Ayaa Waxaa Khudbad Ka Jeeydiyay Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xassan Cali Kheeyre , Isaga Oo Bogaadiyay Maamulka Galmudug.

 

Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Mar Uu Soo Hadal Qaaday Isku Tashiga Iyo Faa’idada Uu U Leeyahay Umadda Waxa Uu Sheegay In Sanad Ka Hor In Ay Galmudug Marti Gelin Karto Shir Noocaan Ah , Balse Isku Tashi Kadib La Isugu Yimid.

 

Gaba Gabada Shirka Ayaa Waxa Soo Xiray Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Goboleed Ayaa Ka Warbixiyey Geeddi Socodka Dheer Ee Loo Soo Maray Sidii Shacabka Soomaaliyeed Loogu Soo Celin Lahaa Xuquuqdooda Dastuuriga Ah Ee Ku Aaddan In Ay Doortaan Hoggaan Ay Ku Aamini Karaan  Talada Dalka.

Madaxweynaha Ayaa Sheegay In Dowladda Federaalka Soomaaliya Ay Wadaxaajoodka Ku Saabsan Dhammeystirka Hannaanka Doorashooyinka Iyo Khayraad Wadaagga La Furtay Dowlad Goboleedyada Bilowgii Muddo Xileedkiisa, Isagoo Tilmaamay Sida Ay Uga Go’an Tahay In Wadatashi Iyo Midnimo Loogu Guuro Hannaanka Doorshaada Loo Dhanyahay.

“Danta Guud In Aan Ka Shaqeyno Waa Masuuliyad Ina Wada Hortaalla. Rajadu Maanta Aad Ayey U Wacan Tahay. Shacabka Soomaaliyeed Waxaa Looga Baahan Yahay In Ay Ku Kalsoodaan Hor U Socodka Siyaasadeed Ee Dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Ku Bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Ka Qeyb Galka Shirkan Iyo Dadaalka Ay Ku Bixiyeen Sidii Looga Mira Dhalin Lahaa, Iyada Oo Mudnaanta La Siinayo Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed Iyo Horumarka Dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ayaa Si Gaar Ah Ugu Mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, Bulashada Iyo Waxgaradka Deegaanadan Soo Dhaweynta Diirran Iyo Martigelinta Qiimaha Badan Ee Ay U Sameeyeen Madaxda Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Goboleed.

War-murtiyeedka Shirka.